Guddiga Madaxa banaan ee dooroshoyinka Qaranka oo sharaxay sida Dalka uga dhici karto doorosho qof iyo Cod ah

Date:

Guddiga Madaxa banaan ee dooroshoyinka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay  in ay isku diyaarinayaan  in Dalka  ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah marka la gaaro Sanadka 2021 doorashaas oo la qorsheyay in ay ka duwanaato kuwi horay  uga dhici jiray Dalka  iyadoo Guddigu  madaxa banaan  ee doorashooyinka qaranka ay mudooyinkaan ku howlanaayeen diyaarinta hananka loo marayo doorashoyinka Dalka.

Sayid cali shiiq maxamed  gudoomiye ku xigeenka gudiga badaxa banan ee doorashooyinka qaranka iyo Khaliif Maxamed Ducaalela taliyaha dhinca sharciga gudiga badaxa banaan oo maanta ka qeyb galay Barnaamijka Kulanka Todobaadka Warbaahinta Qaranka Soomaaliya  ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabaha u qabsoomay gudiga iyo waxyaabaha ay hiigsanayaaan Sanadka 2021 oo Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in Dalka ka dhacayso doorasho

Marka lagaaro Sanadka 2021 ayaa waxaa lagu wadaa in ay Dalka ka dhacdo doorosho qof iyo Cod ah waxaana jira u diyaar garoow xoogan oo ay wadaan guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranku.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...