Ra’isulwasaare Ku Xigeenka iyo Wasiirka Dhalinyarada Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Lagu Abaal Marinayey Kooxaha Kubadda Cagta

Date:

Munaasabad abaal marino lagu guddoon siinayey kooxaha kaalmaha hore ka galay horyaalka heerka koobaad ee kubadda cagta Dalka ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’isal wasaare ku-xigeenka dalka, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka dekedaha, gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, guddoomiyeyayaasha, xiriirada kale ee ciyaaraha iyo masuuliyiin kale.

Kooxda Dekedda oo horyaalkan ku guuleysatay ayaa la guddoon siiyay Koob iyo lacag dhan 184 Milyan oo shilin Soomaali ah, halka kooxda Banaadir Telecom oo gashay kaalinta labaad la guddoon siiyay 94 Milyan oo Shilin Soomaali ah, Kooxda Elman oo iyana kaalinta Saddexaad timid ayaa la guddoon siiyay lacag dhan 46 Milyan oo Shilin Soomaali ah,

Wasiirka Dekeddaha iyo gaadiidka Badda dowladda Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac oo halkaas ka hadashay ayaa u hambalyeysay dhammaan kooxihii ka qeyb galay Tartanka si gaar ahna kooxda Dekedda oo iyagu sanadkan tartanka ku guuleystay.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa oo iyana Munaasabadda ka hadashay ayaa u hambalyeysay kooxaha kaalmaha hore ka galay horyaalka heerka koobaad ee kubadda cagta Dalkeena waxaana ay sheegtay in wasaaradda ay ka go’an tahay horumarinta guud ahaan cayaaraha gaar ahaanna Kubadda cagta.

Ra’isulwasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in Cayaaruhu waxtar dhinacyo badan leh u leeyihiin bulshada sidaas darteedna Siyaasadda dowladda ay ka mid tahay kor u qaadista iyo dhiiri gelintooda iyo in dib loosoo celiyo dhammaan kooxihii ay lahaayeen Wasaaradaha dowladda,

Kooxda kubadda cagta ee Dekedda ayaa horyaalkan oo ah kii 40-aad ku guuleystay muddo 19 sano kadib.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Ku-simaha Safiirka Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin ee magaalada Beledweyne

Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo xaqiijiyey hawgalo lagu dilay horjoogeyaal khatar badnaa

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalim...