Yuusuf Garaad “15 Maxaabiis dheeri ah ayaan dedaal ugu jirnaa inaan Hindiya kala soo wareegno”

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa noo sheegay hadalladaan, isaga oo ku sugan dalka Hindiya

15 Maxbuus oo ka mid ah 118 – ka Maxbuus ee Soomaalida ah ee ku xiran magaalada Mumbai oo aan hadda joogo ayaa Maxkamad la soo taagay.

15 – ka maanta Maxkamadda la soo taagay waxaa lagu xukumay min 7 sano oo xarig ah.

Waxay hore u xirnaayeen min 6 sano iyo bar.  Markaa xukunka maanta macnihiisu wuxuu yahay in ay xabsigooda ay ka hartay 6 bilood oo keliya.

Waxaa kale oo lagu xukumay ganaax aan badneyn.

Heshiiska shalay ay galeen Soomaaliya iyo India wuxuu qorayaa in aan maxaabbiista xabsigooda ay ka hartay 6 bilood wax ka yar aanuu saameyneyn heshiisku.

Aniga iyo wafdigeyga iyo safaaradda oo kaashaneyna Qareenka maxaabbiista oo ay dhalashadiisu Indian tahay, waxaan ka shaqeyneynaa tabtii ay ku suurta geli lahayd in 15-kan maxbuus ay ka mid noqdaan kuwa dalka lagu soo celin doono.

Kooxda xigta ee Maxaabbiista ah waxaa xukunku ku dhici doonaa maalinta Sabtida ah.

Xabsiga oo maanta aan soo booqannay, wixii aan kale kulannay qormo kale ayaan ku soo gudbin doonaa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...