Waxaa la rumeysanyahay in Madaxii Argagaxisada ee Muqdisho Cali Jabal lagu diley howlgal qorsheysan

Date:

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday howlgal qorsheysan oo ciidanka Soomaalida ay la qaadeen ciidamada aan saaxiibada nahay agagaarka Tooro-Toorow oo la rumeysanyahay in lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal).

Cali Jabal ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha argagaxisada Al-Shabaab oo musโ€™uulka ka ahaa qorsheynta dilalka iyo qaraxyada oo dad badan oo aan waxba galabsan ay ku geeriyoodeen Muqdisho.

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaa ka goโ€™an badbaadada shacabka Soomaaliyeed oo Guusha Howlgalkan qorsheysan waa mid yareynaya awooda ay argagaxisada Al-Shabaab ku dili lahaayeen dad aan waxba galabsan ee Soomaaliya, wadamada deriska ah ee Bariga Afrika iyo Caalmka guud ahaan.

DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale