Madaxweyne Farmaajo oo kulan la leh Saraakiisha Laamaha Amniga Dalka

Date:

Madaxweynaha JFS Mudane Maxmed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadda  kulan la leh saraakiisha hay’adaha Ammaanka, kaasi oo ku saabsan Amniga guud ee Dalka.

Kulanka oo ka soconaya Xarunta Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ah dhamaan saraakiisha laamaha Ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Baashi C/llahi Cabdi wariyaha Warbaahinta Qaranaka u qaabilsan Madaxtooyada Soomaaliya uu soo sheegayo in uu kulanku yahay mid looga Arinsanaayo Amaanka Dalka.

Ujeedad kulanka ayaa ah sidii loo xoojin lahaa sugidda Ammaanka guud ee Dalka gaar ahaan Caasimadda iyo sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen dhamaan laamaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Laamaha Amaanka Dalka ayaa dadaal  xoogan ugu jira sidii ay u hanan lahaayeen Nabad galyada Dalka loona Cirib tiri lahaa haraadiga maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...