Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo la kulmay Madax ka tirsan Hay’adaha EISA iyo Saferworld

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeeyr ayaa la kulmay Madaxa Soomaaliya u qaablisan Machadka Doorashooyinka iyo Hanaqaadka Dimuqraadiyadda ee Africa Justin Doua iyo Lataliye sare ee ka socotay Hay’adda Saferworld Marjorie. Kulanka waxaa Agaasimaha Guud ku wehliyay Lataliye sare Faaduma Cabdullaahi iyo Agaasimaha Qorsheeynta iyo Horumarinta Maxamed Bashiir oo labadaba katirsan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka.

Kulanka labada dhinac waxa uu gogol-xaar u ahaa shir horaanta bisha Agoosto ka dhici doona Muqdisho oo lagu diyaarin doono Istiraatijiyooyinka Waxbarashada Madaniga, Latashiyada Dadweynaha, iyo Isticmaalka Warbaahinada kala duwan ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Shirka dhici doona horaanta Agoosto oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda, Macahadka EISA, iyo Hay’adda Saferworld ayaa ah mid ay ka soo qaybgeli doonaan aqoonyahano ka kala socda Dawlad Goboleedyada, Bulshada Rayidka, iyo Quburo ku xeel-dheer Arrimaha Waxbarashada Madaniga, Latashiyada Dadweynaha, iyo Isticmaalka Warbaahinada kala duwan.

Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isla meel dhigay sidii shirkaa uu u noqon lahaa mid ku soo dhamaada guul ayna ka soo baxaan Istiratiijiyooyin wax ku ool ah oo door wayn ka qaata Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....