Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo la kulmay Madax ka tirsan Hay’adaha EISA iyo Saferworld

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeeyr ayaa la kulmay Madaxa Soomaaliya u qaablisan Machadka Doorashooyinka iyo Hanaqaadka Dimuqraadiyadda ee Africa Justin Doua iyo Lataliye sare ee ka socotay Hay’adda Saferworld Marjorie. Kulanka waxaa Agaasimaha Guud ku wehliyay Lataliye sare Faaduma Cabdullaahi iyo Agaasimaha Qorsheeynta iyo Horumarinta Maxamed Bashiir oo labadaba katirsan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka.

Kulanka labada dhinac waxa uu gogol-xaar u ahaa shir horaanta bisha Agoosto ka dhici doona Muqdisho oo lagu diyaarin doono Istiraatijiyooyinka Waxbarashada Madaniga, Latashiyada Dadweynaha, iyo Isticmaalka Warbaahinada kala duwan ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Shirka dhici doona horaanta Agoosto oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda, Macahadka EISA, iyo Hay’adda Saferworld ayaa ah mid ay ka soo qaybgeli doonaan aqoonyahano ka kala socda Dawlad Goboleedyada, Bulshada Rayidka, iyo Quburo ku xeel-dheer Arrimaha Waxbarashada Madaniga, Latashiyada Dadweynaha, iyo Isticmaalka Warbaahinada kala duwan.

Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isla meel dhigay sidii shirkaa uu u noqon lahaa mid ku soo dhamaada guul ayna ka soo baxaan Istiratiijiyooyin wax ku ool ah oo door wayn ka qaata Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...