Wasiirka Warfaafinta Xukumada Soomaaliya Mudane C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo la kulmay Safiirka Midowga Africa Somaliya Francisco Madeira

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Xukumada Soomaaliya Mudane C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Safiirka Midowga Afriga Somaliya Francisco Madeira Ayaa Waxaa Ay ka Wada Hadleen is Kaashi Dhex Mara Warbaahinta Qaranka Iyo Amisom Qeyba Warbaahinta  Sidii Ay Ugu Wada Shaqeyn Lahaayeen Wacyi Galinta ka Dhanka ah Amniga Dalka.

Sidoo kale waxyaabaha La isla Soo Hadal Qaadey ayaa Waxaa Ka Mid Ah Doorka Iskaashi Warbaahineen Ee looga Qayb qaadan Karo La Dagaalanka Arga Gaxisada Iyo sida Wariyaasha Soomaaliyeed ay Ugu soo warami Karaan Jiida Hore Ee Daalka Ee Ka dhanka Ah Al-shabaab.

Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisow Ayaa Kulanka Ka dib Warbaahinta Qaranka la Hadley Isagoona sheegay in Rajo wanaagsan Uu ka Qabo in ay Hir-Galaan Waxyaabaha Isaga iyo Ambasador Francess Madera ay Ka wada Hadleen.

ugu Dambeen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Ee Soomaaliya Ayaa sheegey In warbaahintu Ay tahay Goobta Kaliya Ee Lagula dagaalami Karo Fikirka Qaldan Ee Shabaabka Ay Dhalinyarada Soomaaliyeed Ay ku maran Habaabiyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...