Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Kulan Kula yeeshay Madaxa Xafiiska Hayโ€™adda SSF Ee Bariga iyo Bartamaha Africa

Date:

Madaxweynaha Maamulka ย Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ย ku qaabilay Madaxtooyada Garooweย  wafdi uu hogaaminayo Madaxa xafiiska hayโ€™adda SSF ee Bariga iyo bartaha Qaaradda Africa Mr. Gareth Oโ€™ Hagan.

Kulanka ย ayaa waxaa Cabdiweli Maxamed Cal ย ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, waxaana kulanka looga hadlay arrimo la xidhiidha mashaariida horumarineed ee ay hayโ€™addu ka fuliyaan ย guud ahaan degaanadda Puntland.

C/wali Gaas Madaxweynaha Puntland ย ayaa ugu horayn Xafiiskiisa kusoo dhoweeyey waftigani, waxaana uu Madaxweynuhu ku bogaadiyey hawl-wadeenada hayโ€™addani mashariicaha wax tarka leh ee ay ka hirgeliyaan Puntland ha ahaadeen kuwo hore loo qabtay iyo kuwo hadda socdaba ah.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ย ayaa sheegay in ay mashaariicdaasi ka mid yihiin qoddaalka Ceel -Biyoodyo (Riiggag), samaynta jidad laamiya iyo taakulayn dhanka Ciidamadda Booliska Puntland oo ay ka caawiyaan dhinacyo baddan, waxaana uu Madaxweynuhu ku booriyey dhammaan shaqaalaha hayโ€™adda inay dar-dargeliyaan mashaariicdasi, isla markaana ay ku didaalaan sidii ay u qabsoomi-lahaayeen una hirgeli lahaayeen.

Dhanaca kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa dhankiisa shaqaalaha hayโ€™adda SSF uga warbixiyey muhiimadda ay leeyihiin mashaariicdaasi ay ka fuliyaan Puntland, waxaana uu xaqiijiyey Madaxweyne ku xigeenku inay salka ku hayaan dhammaan mashaariicdaasi kuwo horumarineed oo saamayn togan ku yeelan karaย  arrimaha bulshada.

Sidoo kale ย Camey ayaa ku booriyey shaqaalaha hayโ€™addani inay dar-dar geliyaan shaqooyinka loo igmaday inay fuliyaan, isla markaana ay isku taxalujiyaan siidii ay u qabsoomi lahaayeen mashaariicdaasi, sida qorshuhu yahay ka sokow Amar Alle โ€˜โ€™SWCโ€™โ€™.

Ugu danbayntii, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland ugu baaqay in la ilaaliyo Xasiloonidda, Nidaamka iyo kala danbaynta, isla markaana laga wadda shaqeeyo wax kasta oo wax tar u leh horumarka shacabka iyo Maamulka Puntlandba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...