Maamulka Gobalka Banaadir iyo Hay’adda SWDC oo Deeq Gaarsiiyay Maxaabiista Laga Soo Daayay Xabsiyada Dalka Ethoipia

Date:

Maamulka Gobalka Banaadir oo kaashanaya xarunta u dooda horumarinta Haweenka SOMALI WOMEN DEVELOPMENT CENTER (SWDC), ayaa maanta deeq isugu jirta dhar iyo agabyo kale loo isticmaalo nadaafadda guud ee deegaanka gaarsiiyay maxaabiista dhawaan dowladda Soomaaliya ay kala soo wareegtay dowladda Ethoipia.

Guddoomiyaha xarunta SOMALI WOMEN DEVELOPMENT CENTER (SWDC) Sahro Maxamed Cali oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay in iyagoo ka jawaabaya baaqii madaxday qaranka ay xaruntooda u istaagtay in ay daboosho baahida dagdagga ah ee ay u baahanyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed oo hadda si kumeel gaar ah loogu xanaaneeyo goob ay dajisay dowladda Soomaaliya laguna ogaanayo xaaladahooda caafmiaad.

“Maanta waan idin soo booqanay waxaana marwalba la socondoonaa xaaladdiina, waan ka xunahay dhibka idingaaray waxaase alle mahaddii ah in maanta aad joogtaan dalkiina hooyo, waxaan idiin sidnaa dhar, Firaashyo, Saliid, waxyaabaha la isku carfiyo, Shaanbo, Saabuunta Qabeyska iyo tan dharka aad ku dhaqataan” ayay tiri Maama Sahro Maxamed.

Guuddomiyaha Degmada Wadajir Mudane Cumar Cabdulle Xasan oo ka hadlay munaasibadda deeqda lagu wareejinayay Maxaabiistaasi ayaa rajo wanaagsan u muuhiyay dhalinyarada isagoo xusay in dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin ay garabkiina taagnaadaan.

“Ogaada dhallinyarooy waxaa tihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, bulshada gobalka banaadir aad ayay idinkugu damqadeen waxayna idinla qeybsadeen xanuunka iyo waqtiga dheer ee qaarkiin ay xabsiyada ku soo qaateen, deeqda maanta idin soo gaartay waxay idinkaga timid Xarunta SWDC oo fadhigeedu yahay degmada Wadajir, garab istaaga aad naga mudantihiina maanta oo kaliya kuma ekaan doonto” ayuu yiri Mudane Cumar Cabdulle Xasan Guddoomiyaha Degmada Wadajir.

Guddoomiyaha Degmada Waabari Rowda Cabdullaahi oo ay dhallinyaradaani martigalisay deegaankooda ayaa u mahadcelisay Xarunta SOMALI WOMEN DEVELOPMENT CENTER (SWDC) waxayna sheegtay in iyagoo fulinaya baaqii duqa magaalada muqdisho Mudane Thabit Cabdi Maxamed ay maalin iyo habeen garab taagnaan doonaan dhalinyarada laga soo daayay xabsiyada dalka Ethoipia.

Marwo Rowda Cabdullaahi Ayaa kula dardaarantay dhalinyarada in iyagoo ka fakaraya mustaqbalkooda caafimaad ay iska illaabaan xanuunkii iyo waayihii adkaa ee ay soo mareen intii ay xabsiyadu ku xirxirnaayeen, waxayna ku bogaadisay in maanta ay joogaan dalkoodii hooyo ayna la jaanqaadaan nolosha cusub.

“aniga waxaan ahay guddoomiyaha degmada Waaberi laakiin waxaan ahay qof taqasuskeedu uu yahay xanuunada dhimirka ku dhaca, waxaan idinku baraarujinayaa in aad iska saartaan waayihii adkaa ee aad soo marteen iyo wixii idinku dhacay, maanta Soomaaliya ayaa joogtaa qaarkiin waxa ay xasuustaan dalka oo burbursan halka kuwan ay xasuustaan wadanka oo dhisan, marka waxaa la idinka rabaa in aad la qabsataan nolosha cusub iyo isabadalka uu dalku sameeyay si noloshiina iyo caafimaadkiina uu u wanaagsanaado” ayay tiri Rowda Cabdullahi Guddoomiyaha Degmada Waaberi

Guuleed Diiriye Faarax oo ah horjoogaha kooxda dhallinyarada ah ee laga soo daayay xabsiyada dalka Ethoipia ayaa mahadcelin u jeediyay mas’uuliyiinta maamullada degmooyinka iyo madaxda Ha’yadda SWDC, isagoo tilmaamay in agabyada maanta loo keenay ay ahaayeen kuwa aad muhiim ugu ahaa dhallinyarada.

“Aad iyo aad ayaan idinkaga mahadcelinayaa kaalmada bulshadeena nooga timid, siwir wanaagsan iyo yadadiilo wacan ayaa noo muuqaneyso, madax iyo shacaba garab isaaggeena looma kala harin” ayuu yiri Guuleed Diiriye.

22 bishaan ayaa waxaa garoonka diyaarada magaalada Muqdisho soo cagadhigatay diyaarad siday in kabadan 100 maxbuus oo dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in ay kala soo wareegto dowladda Ethoipia, kuwaas oo muddo dheer xabsiyada waddankaasi ku xirnaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...