Madaxweynaha Falastiin oo shuruudo adag ku xiray Isra’iil

Date:

Falastiiniyiinta ayaa ka soo horjeestay talaabada isra’iil oo ku aadan wax ka badalka qalabka wax lagu baaro oo ay dhawaan ku rakibtay albaabka laga galo masjidka Barakaysan ee Al-aqsa ee kuyaala magaalaad Qudus, kadib markii maamulka Israel uu qaaday qalabkaasi Electronikada ahaa.

Hogaamiyaha Falastiin Max’uud Cabaas Abuu-Maasin ayaa sheegey in ay sii wadidoonaan talaabooyinka ay u qaadayaan joojinta xiriirka israiil , waxaana arintani ay ka dambeysay markii rabshado ay ka dhasheen qalabkaasi ay rakibtay Israel, kaasi oo Falastiiniyiintu ay u arkaan mid Israel ay ku doonayso Sal balaarsi.

Maamulka Israel ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in ay ka hortagto waxa ay ku tilmaantay hubka sida sharci darada ah la isaga gudbinayo deegaanadaasi, balser waxay intaasi ku dareen Israeliyiintu in qalabkaasi mid ka duwan oo aan wax dhibaato ah lahayn ay ku bedeleen.

Dhinacyada Falastiin iyo Israel ayaa lakulmaya cadaadis caalami ah oo ku aadan in ay xal waara ka gaaraan ismaan dhaafka ka dhashay qalabka lagu rakibay masjidka Xarram- AlShariifayn oo Yuhuuduu u taqaano Temple Mount

Danjiraha QM u qaalbilsan Bariga Dhexe ayaa sheegey in loo baahan yahay in xal laga gaaro muranka ka taagan masjidka Al-aqsa.

Madaxweynaha Falastiin oo lakulmay culimada ugu waaweyn ee Falastiin ayaa shuruudoa adag ku xiray israiil taasi oo ah in gebi ahaanba la joojiyo qalbkaasi laguna celiyo magalaad Jerusalem.

 W/Q Cali C/qaadir Cali 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...