Guddoomiye Jawaari oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka soday Qaramada Midoobay (Daawo Muuqaal)

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’ ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa qeybta horumarinta ee laanta haweenka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Faadumo Dayib Qaasim oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin horumarinta Haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka ku jira Baarlamaanka waxaana kulanka oo ay goobjoog ka ahayd  Guddoomiyaha haweenka ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Biibi Khaliif Maxamed uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku bogaadiyay howsha ay u heyso haweenka Soomaaliyeed, isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay in Gabar Soomaaliyeed ay ka mid noqoto madaxda laanta haweenka ee Qaramada Midoobay.

Dhinaca Kale qaar ka mid ah Guddiyada Golaha Shacabka ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay kulamo ay kaga hadlayeen qorshe howleedkooda ,waxaana Guddiga golaha shacabka u qaabilsan arimaha garsoorka iyo awqaafta uu maanta la kulmay wasiirka owqaafta iyo arimaha diinta Soomaaliya sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Gudoomiyaha Guddigaasi Xildhibaan Shariif Sheekhquna -Maye ,waxaana ka qeyb galay  Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

????????????????????????????????????

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...