Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay koox burcad ah oo dadka dhacayay

Date:

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Benaadir waxa ay ku soo qabteen Koox Burcad ah oo watay Mooto Bajaaj, kuwaa soo dhac u geysan jiray dadka ku nool degmooyinka gobolka Benaadir.

Intii uu howlgalku socday ayaa ciidamada Ammaanka waxa ay dhaawaceen mid ka mid ah Kooxihii Burcadda ahaa, kaa soo isku dayay in uu dagaallamo.

Goobta lagu soo bandhigayay kooxda burcada ah ee ay gacanta ku dhigeen ciidamada Nabadgelyada ayaa waxaa tegay Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow, iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Taabid Cabdi Maxamed.

Howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay 12 Mobile oo ay dhaceen Kooxihii burcadka ahaa iyo qori Ak47 ah iyo sidoo kale Mooto Bajaaj oo ay wateen sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Wasaarada Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa sheegay in kooxdan lala tiigsan doono sharciga, si loogu maxkamadeeyo falalka burcadnimada ah ee lagu soo qabtay.

Ciidamada Xasilinta Caasimadda iyo kuwa ammaanka ayaa bilihii lasoo dhaafay waday howlgallo xooggan  oo ay ku dagaallamayaan Kooxaha Burcadda ah ee dhibaateeynayaa Shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...