Soomaalida kunool Gobalka Minnesota oo saameyn kuyeeshey dilkii haweeney Australiyaan ahayd

Date:

Tan iyo markii Dhawaan  wiil Soomaali  Police Amerikaan ah lagu eedeeyey in uu toogtay haweeney Cadaan ahayd oo u dhalatey wadanka Australia, waxaa sii kordhayay walaaca ay kuujinayaan Soomaalida kunool halkaasi,falkan ayaa yimid  ka dib markii ay iyada wacday nambarka gurmadka deg dega ah ee booliska lagala xariiro, waxaana arintaasi si weyn uga hadlay saxaafada maraykanka iyo tan Australia.

Sida uu soo sheegayo wariyaha warbaahinta Qaranbka ee magaalada Minneapolis Liibaan Xuseen, Arintaasi ayaa waxa ay kaliftay in ay jagada iska casisho taliyahii booliska ee magaalada Minneapolis oo cadaadis xoogan kala kulantay duqa magaalada Minneapolis Buttes Haggis balse dadka ayaa is weydiinaya waxa ay arintaasi ku soo kordhin karto kiiskani.

Cabdi Warsame oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka  ayaa xalay shir jaraa’ uu ku qabtay, banaanka hore ee masjidka Darul Quba ee Xaafada Soomaalida ay ku badan tahay ee Ceder, waxa uu uga hadlay toogashadii Justine Damond iyo sida warbaahinta Mareykanku ay dilkaas ula xiriirisay Soomaalida gobalka Minnesota ee degan.

Cabdi Warsame ayaa si weyn u dhaliilay saxaafada Maraykanka taasi oo buun buunisay warka la xariira Kiiska askariga dilka lagu eedeeyey.

“Runti aad ayaan uga xunahay sida ayu wax u dheceen, balse waa arrin la buun buuniyay, waxaan doonaynaa in baaritaano la sameeyo si loo ogaado xaqiiqda Jirta” sidaasi waxaa warbahinta u sheegey Cabdi Warsame oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis.

Si kastaba ha ahaatee arrintani ayaa noqotay arrin si weyn loogu hadal haayo magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxana jirta cabsi iyo baqdin la xariira dilka lagu eedeynayo Askariga Soomaali Amerikan ka ah ee lagu magacaabo Maxamed Nuur.

Written: By Cali C/qaadir Cali 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...