Soomaalida kunool Gobalka Minnesota oo saameyn kuyeeshey dilkii haweeney Australiyaan ahayd

Date:

Tan iyo markii Dhawaan  wiil Soomaali  Police Amerikaan ah lagu eedeeyey in uu toogtay haweeney Cadaan ahayd oo u dhalatey wadanka Australia, waxaa sii kordhayay walaaca ay kuujinayaan Soomaalida kunool halkaasi,falkan ayaa yimid  ka dib markii ay iyada wacday nambarka gurmadka deg dega ah ee booliska lagala xariiro, waxaana arintaasi si weyn uga hadlay saxaafada maraykanka iyo tan Australia.

Sida uu soo sheegayo wariyaha warbaahinta Qaranbka ee magaalada Minneapolis Liibaan Xuseen, Arintaasi ayaa waxa ay kaliftay in ay jagada iska casisho taliyahii booliska ee magaalada Minneapolis oo cadaadis xoogan kala kulantay duqa magaalada Minneapolis Buttes Haggis balse dadka ayaa is weydiinaya waxa ay arintaasi ku soo kordhin karto kiiskani.

Cabdi Warsame oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka  ayaa xalay shir jaraa’ uu ku qabtay, banaanka hore ee masjidka Darul Quba ee Xaafada Soomaalida ay ku badan tahay ee Ceder, waxa uu uga hadlay toogashadii Justine Damond iyo sida warbaahinta Mareykanku ay dilkaas ula xiriirisay Soomaalida gobalka Minnesota ee degan.

Cabdi Warsame ayaa si weyn u dhaliilay saxaafada Maraykanka taasi oo buun buunisay warka la xariira Kiiska askariga dilka lagu eedeeyey.

“Runti aad ayaan uga xunahay sida ayu wax u dheceen, balse waa arrin la buun buuniyay, waxaan doonaynaa in baaritaano la sameeyo si loo ogaado xaqiiqda Jirta” sidaasi waxaa warbahinta u sheegey Cabdi Warsame oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis.

Si kastaba ha ahaatee arrintani ayaa noqotay arrin si weyn loogu hadal haayo magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxana jirta cabsi iyo baqdin la xariira dilka lagu eedeynayo Askariga Soomaali Amerikan ka ah ee lagu magacaabo Maxamed Nuur.

Written: By Cali C/qaadir Cali 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...