Nabadoonada Gobolka Galgaduud ee bartahmaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in la jojiyo dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanka Xeraale ee Goblkaas , nabadoon Cadceed Shiiqdoon oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa waxaa uu tilmaamay in si sharuud la’aan ah loo joojiyo Colaada Xeraale.
Waxaa uu sheegay nabadoon cadceed inaan loo dulqaadan Karin dhibaatada Xeraale taasoo ay Dad ku dhinteen kuwa kalena dhaacmeen kuwana ku barakaceen.
Dowlada Federaalka Soomaaliya,Odoyaasha dhaqanka,waxgaradka iyo Aqoon yahanada ayaa waxaa ay si wada jida u dalbadeen in la joojiyo Colaada Magaalada Xeraale.