Guddomiye ku xigeenka G/ Shacabka oo baaq u diray dhinacayada ku Dagaalamaya Xeraale

Date:

Guddoomiye  ku xigeenka  labaad  ee  Golaha  Shacabka Soomaaliya  Mahad  Cabdalle Cawad  ayaa  ku  baaqay  in  la  joojiyo  Dagaalka Deegaanka Xeraalee  ee  Gobolka Galguduud, waxaanua   tilmaamay  inaan  loo  dulqaadan  karin  Dagaalka uu  ku  daadanaayo Dhiiga Dadka walaalaha ah.

Mahad  Cabdalle Cawad Guddoomiye ku  xigeenka  labaad  ee  Golaha Shacabka  ayaa sheegay in colaada ka soo cusboonaatay Xeraale ay aad uga xuntahay dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale Guddoomiye ku xigeenku uu baaq u diray dhinacyad halkaasi ku dagaalamaya isagoo ugu baaqay in si deg deg ah ay ku joojiyaan dirirta.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa wuxuu sababay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, waxaana la sheegayaa inay geeriyoodeen ilaa iyo 10-qof sidoo kalana ay dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...