Dood cilmiyeed ku saabsan doorka dhalinyarada oo ka dhacay Degmada Dharkeynley

Date:

Dood cilmyeedkan waxaa soo qabanqaabiyey dhallinyarada G/Benaadir, waxaana soo buux dhaafiyey dhallinyaro aad u fara badan oo ka kala timid afarta Degmo ee Galbeedka Muqdisho ee kala ah Dharkeynley oo ah martigeliyaha kulankan, Wadajir, Kaxda iyo Deyniile.

Dood cilmiyeedkan waxaa kasoo qeybgalay guddoomiyaha Degmada Dharkeynley Mudane C/raxmaan Siid cali xuseen, guddoomiyaha dhalinyarada G/Benaadir Mudane C/kaafi Maxamuud Makaraan iyo dhallinyarada heer gobol, guddoomiayayaasha dhallinyarada afarta degmo iyo bahda saxaafadda.

Ugu horreyn, waxaa kulanka ka hadlay guddmiyaha dhallinyarada Degmada Dharkeynley C/casiis Xuseen Maxamed oo mahadcelin kadib sheegay in dhallinyarada ay tahay awood dhan kastaa loo isticmaali karo, wuxuuna ku muujiyey hab suugaaneed.

Guddoomiyaha dhalinyarada Gobolka Benaadir  C/kaafi Maxamuud Makaraan ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ay ku dhacdo dhallinyarada, loona baahanyahay in dhallinyaradu u istaagaan amniga iyo horumarka dalka, sidoo kale wuxuu sheegay dhallinyarada maanta kulankan fadhisa inuu ka imaanayo maslaxaddii dalka lagu hagaajin lahaa, wuxuuna ku dhiirigeliyey iney lagama maarmaan tahay in ay wadashaqeeyaan dhallinyarada iyo hey’adaha amniga.

Guddoomiye Makaraan ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhallinyarada iney iska dhaafaan tahriibka ayna ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka heysta maanta.

Guddoomiyaah degmada Dharkeynley Mudane C/raxmaan Siid Cali Xuseen ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu martigeliyo kulankan, uuna dhallinyarada gacan ka siinayo iney u adeegaan dalkooda iyo dadkooda.

Ugu dambeyn dood cilmiyeedkan waxaa kooxo loo sameeyay dhallinyaradii kasoo qeybgashay waxaana la weydiiyey su’aalaad dhallinyarada ku saabsan, waxaana kasoo baxay jawaabo xal u noqon kara dhibaatooyinka dhalinyarada heyta maanta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo si adag u cambaareysay Doorashadii Sharcidarada ee Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa is...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Maxkamadda Sare ee Dalka oo ansixisay natiijada Doorashada Golaha Deegaanka G/Banaadir

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama...

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...