Dhallinyaro la baray xirfado ay ku shaqeystaan

Date:

Iyadoo ay ka socanayaan magaalada Gaalkacyo barnaamijyo ku aadan la dagaallanka shaqa la’aanta dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa waxaa maanta ku dhawaad boqol iyo lixdan dhallinyara ah loogu soo gaba a gabeeyay magaalada tababar si lacag la aan ah loogu barayay xirfado kala duwan oo ay ku shaqeeysan karaan, kuna maareeyn karaan dhaqaalaha ay ka helaan nolashooda, maadaama ay jiraan kumanaan dhallinyaraha oo ku nool Gobalka Mudug isla markaana ay heysato shaqa la’aan inteeda badan loo tirinayo in ay ka dhalatay aqoon la’aanta dhallinyarada ka heysta xirfadihii  ay ku shaqeeysan lahaayeen.

Tababarkaan oo ay fulintiisa iska kaashanayeen dugsiga tababarka xirfadaha ee Mudug iyo hay’adaha SOSDA iyo Daryeel oo iyagu afartii sano ee u danbeeysay door weyn ka qaatay in in kabadan kun dhallinyara ah isla markaana isugu jira wiilal iyo gabdho ay si lacag la’aan ah uga saacidaan barida xirfado kala duwan oo ay ku shaqeysan karaan, kuwaasi oo qaarkood xiligaan ku mareeya nolashooda xirfado ay bareen  ayaa xirtaankiisii waxaa kasoo qeyb galay  masuuliyiin ka tirsan kuwa Maamulka degnmada Gaalkacyo, mas’uuliyiin ka socday hay’adaha SOSDA iyo Daryeel, waalidiin iyo marti sharaf kale

Ugu horeyna waxaa munaasabada xiritaanka  ka hadlay Maamulaha xarunta tababarka xirfadaha ee Mudug Maxamed Daahir Aadan ayaa sheegay in boqal konton iyo lix arday oo dhalinyara ah, isla markaana si lacag la aan ah ay u bareen muddo lix bilood ah xirfado ay ka mid yihiin korantada, makaanikada, kumbuyuutarka, solar system-ka iyo luuqadda English-ka ay maanta ka qalin jabinayaan Xarunta Tababarka Xirfadaha ee Mudug ayna yihiin Dufcadii lixaad ee ka baxda xaruntaasi intii ay shaqeynaysay

Sidoo kale waxaa madasha xiritaanka tababarkaan ka hadlaya C/laahi Macalin oo ku hadlayay magaca Hay adda Daryeel waxaaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in wixii ay muddo ay ku taamayeen ay mira dhaleen, isagoo xusay in ujeeddada laga leeyahay barnaamijyadaan ay yihiin kuwa ku aadan in la helo dhallinyaro leh xirfado ay ku shaqeysan karaan.

Ugu danbeyna duqa degmada Gaalkacyo ayaa halkaasi shahaadooyin ku guddoonsiiyay dhalinyaradii tababarka dhameystay, isagoo u mahad celiyay Hay’adaha barnaamijkaan iska kaashaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka oo degmada Warshiikh ka bilaabay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Taliyaha Ciidanka dhulka Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Nigeria

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye...

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka...