Wasiir Xoosh “Safar hawleedkii aan ku tagnay Cadaado waxa uu ku soo dhamaaday guul”

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka warbixiyay safarkii wafdi uu hogaaminayay ay ku tageen magaalada Cadaado ee caasimadda KMG ah ee dawlad goboleedka Galmudug.

Mudane Xoosh ayaa sheegay in ay kulan ay la yeesheen Ku-Simaha Madaxweynaha Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Galmudug.

“Shirarkii aan ku galnay Cadaado waxaa ugu horeeyay mid aynu la yeelanay Ku-simaha Madaxweynaha Galmudg iyo Xubno katirsan labada Gole ee Galmudug, waxa ay ina la wadaageen talooyinkoodii ku aadanaa Qorshaha Guud ee aan diyaarineyno si Geedi-Socodka dib-u-eegista Dastuurka uu ugu soo dhamaado guul” ayuu yiri AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa ka hadlay kulan kale oo muhiim ahaa oo ay Wasaaradda u qabatay Ururada Bulshada Rayidka ee Galmudug.

“Waxaa kaloo jiray shir muhiim inoo ahaa oo aanu la yeelanay Bulshada Rayidka ee Galmudug, iyaga oo talooyin wax ku ool ahaa ka bixiyay Qorshaha Guud; waxa uu inoo ahaa kulan kale oo inagu dhiirageliyay in aanu shacabkeena marwalba talooyinkooda ku shaqeeyno tasoo ka dhigan in safarkeenii uu ku soo dhamaaday guul” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Wafdiga ka socday Wasaaradda ayaa sidoo kale booqday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Galmudug, iyaga oo kulan la qaatay Wasiirka Galmudug Mudane Cismaan Maxamed Cali iyo qaar kamid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Dastuurka ee Galmudug, waxa ayna labada dhinac ku ballameen in wadashaqayn joogta ah la yeesho.

Gunaanad, Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh iyo wafdigiisa ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho iyaga oo maalmaha soo socda u ambabixi doona caasimadaha kale ee dawlad goboledyada dalka si loo gaarsiiyo kulamada wadatashiga.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...