Madaxweynaha JF Soomaaliya oo Boqorka Sacuudiga uga Tacsiyeeyay Geerida ku timid Amiir C/raxmaan

Date:

Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa dhambaal tacsi ah u diray Madaxda iyo Shacabka Boqortooyada Sacuudiga isagoo uga Tacsiyeeyay Geerida ku timid Allaha u naxariistee Amiir Cabdiraxmaan Bin Cabdulcasiis oo ka tirsanaa Qoyska reer Boqor.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo wakiil ka ah Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed  ayaa wuxuu Alle ugu baryay inuu Janada Fardowso ka waraabiyo Amiirka Dhintay, sidoo kalana uu samir ka siiyo dowladda iyo shacabka uu ka baxay.

Mudane Farmaajo ayaa sidoo kale Alle uga rajeeyay Badbaado iyo Caafimaad qab Masuuliyiinta iyo Shacabka Boqortooyada Sacuudiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...

Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?

Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble oo aad loogu garan og...