Shirka Golaha Wasiirada ayaa si rasmi ah uga  furmay  magalada Kismaayo 

Date:

Shirka Golaha Wasiirada ayaa si rasmi ah uga  furmay  magalada Kismaayo, iyadoo magaaldaasi ay ku suganyihiin R/wasaaraha, ku xigeenkiisa iyo inta badan Golaha Wasiirrada.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay shirka  maanta ka dhacaya magaalada Kismaayo inuu yahay shirkii caadiga ahaa ee Todobaadkiiba mar ay isugu imaanjireen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.

Mudane C/rixmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sidoo kale sheegay in shirkaan uu ka dhiganyahay in dowladdu ay u sii dhowaanayso shacabkeeda.

Waxaa kaloo jiri doona kulamo gaar gaar ah oo R/wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirrada ay la yeelan doonaan masuuliyiin ka tirsan dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay ahmiyada uu u leeyahay kulanka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha in lagu qabto Kismaayo ayaa sheegay in tani ay muujineyso midnimada iyo in dowladdu diyaar la tahay in shacabka la xisaabtamo.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa beryihii u dambeeyay waday olole ay shacabka ku kasbaneysay, iyadoo wali aanay ku guuleysan inay dib u soo celiso adeegyadii aas aasiga u ahaa bulshada ee 20-sano ka hor bur buray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...