Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo gaaray dalka Qatar

Date:

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa gaaray magaalada Doxa ee dalka Qatar, isagoo isku dayaya inuu dhex dhexaadiyo xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Qatar iyo Xulafada uu hoggaaminayo Sacuudiga.

Tillerson ayaa soo maray dalka Kuwait, halkaasoo Isniintii shalay uu kula kulmay Amiirka dalkaas Sheekh Sabah Al Ahmad Al Sabah oo dadaal ugu jira xalinta xiisada u dhaxeysa dalalka Qatar iyo afar dal oo carbeed.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ugu baaqay dalalka Khaliijka in xal loo helo khilaafka, waxaa lagu wadaa in magaalada Doxa uu kula kulmo Amiirka Qatar.

Sidoo kale waxaa uu berri u ambabixi doonaa dalka Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu kula kulmi doono Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis.

Mareykanka oo saaxib dhow la ah wadamada khaliijka ee hodanka ku ah saliida ayaa doonaya in xal laga gaaro xiisada ka taagan Gobolka.

Xulafada Sacuudiga ayaa dhowaan Qatar u gudbiyay dalab ka kooban 13 shuruudo inay aqbasho, hadii ay rabto in laga qaado cunaqabateynta ay ku soo rogeen hase ahaatee Qatar ayaa diiday

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay xiriirka u jareen Qatar, iyagoo ku eedeeyay inay dhaqaale siiso Argagixisada, balse Qatar ayaa ku gacan seyrtay eedeymahaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo si adag u cambaareysay Doorashadii Sharcidarada ee Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa is...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Maxkamadda Sare ee Dalka oo ansixisay natiijada Doorashada Golaha Deegaanka G/Banaadir

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama...

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...