Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo Garoowe Ku Daah-furay Shirweynaha Dib u Eegista Mashruuca Horumarinta Degmooyinka Puntland.

Date:

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Goboleedka Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta 10 July, 2017 waxa uu caasimadda Maamul Goboleedka Garoowe ku daah-furay shirweynaha dib u eegista mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG, shirkaas oo sanadkasta qabsooma isla markaana daba socdey shirarkii hore ayaa waxaa lagu gorfeeyaa tallaabooyinka dhinaca horumarka loo qaaday iyo guulaha laga gaaray mashruuca JPLG sanadkii tagay.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa shirka ku wehelinayey hay’adaha Qaramada Midoobey iyo wasaaradaha Dawlad Goboleedka Puntland ee ay sida wada jirka ah uga dhaxayso dhaqaajinta iyo hirgelinta qorshayaasha mashruuca JPLG, kuwaas oo kala ah Hay’addaUNDP, Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Waxbarashada, Howlaha Guud, Maaliyadda iyo guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland.

Dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee ku midaysan horumarinta iyo ka faa’iidaysiga mashruuca JPLG ayaa madasha shirka ka hadlay waxayna si qota dheer uga warameen mashruuca oo maraya heer gebo-gebo ah iyo sidii loo kordhin lahaa mudada mashruuca, caqabadaha taagan iyo sidii loo xallin lahaa, arrimaha muhiimka ah ee loo baahan yahay in lagu guulaysto iyo hirgelinta qorshayaashii waxqabad ee baaqday muddooyinkii lasoo dhaafay.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Goboleedka Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey oo shirka si rasmi ah u daah-furay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay faa’iidooyinka iyo horumarka laga dhaxlay mashruuca JPLG isagoo caddeeyey in Puntland ay buuxsio markasta dawrka ay ku leedahay mashruuca isla markaana ay diyaar u tahay sixitaanka iyo dhaqaajinta qorshayaashii baaqday muddooyinkii lasoo dhaafay.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa u mahad celiyay hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka qayb qaata socod siinta mashruucan iyo dhammaan masuuliyiinta iyo hay’adaha kale ee Maamulka oo iyaga laftoodu kaalin muhiim ah ku leh mashruuca JPLG.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo Martigelisay kulan Afur ah

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay Cashadii...

Mareykanka iyo Israa’iil oo duqeymo ka geystay Iiraan

Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka...

Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Türkiye, Hakan Fidan, ayaa Jimcihii...

Degmada Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan.

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...