Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka duulaya qorshaha Xukumadda ee ah in ay ku shaqayso rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ayaa qaar ka mid ah Hoteeladda Muqdisho kula caweeyey dad shacabka Soomaaliyeed si uu u ogaado baahida ay qabaan, talooyinka iyo Tabashooyinka ay u hayaan Dowladda ee ay doonayaan in wax laga qabto.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa shacabkii uu la kulmay mid mid u waydiinayey dhaqaalalaha , amaanta ay u hayaan Xukuumadda iyo waxyaabihii muhiimka ah ee ay doonayaan in si dhaqso ah wax looga qabto.
Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha dalka aya su’allaha ugu jawabiyey dadka Shacabka ah, iyagoo waydinayey su’aallo la xariira go’anada ay Xukumadda horay u qaadatay iyo arrimo ay aad u danaynayeen inay wax ka ogadaan si ay u helaan xog dhab ah ama xaqiiqada arriimahaasi.
Qaar ka mid ah dadkii la kulmay Ra’iisul wasaaraha oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin la kulanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayna ku dhiiri gelinayaan ka warqabka xogta bulshada, iyagoo xusay in tani ay qeyb ka tahay sida Ra’iisul Wasaarayaasha caalamka u shaqeeyaan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa door biday in uu dhex galo bulshada Soomaaliyeed intii uu fadhin lahaa xafiiskisa si uu ogaado baahida iyo in uu dhageysto talooyinka wanaagsan ee ku jira shacabka Soomaaliyeed, waxaana kulankan uu qeyb ka ahaa arrintaasi.