Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo manta ka qayb galay kalfadhiga 2aad ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka soomaaliya ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu uga hadlay arrimo badan oo ay ugu muhiim saneyd arrinta maqaamka caasimadda.
Guddoomiye Taabid Cabdi Maxamed ayaa baarlamaanka Federaalka soomaaliya iyo Madaxda kale ee Dowladda waxa uu ka codsaday in ay ka qayb qaataan sidii bulshada kunool caasimadda ay u yeeshaan maqaam gaar ah, maadaama muddo badan Arrinta maqaamka caasimadda laysku qilaafsanaa.