Barlamaanka Masar oo kordhiyey muddada xaaladda degdegga ee dalkaas ka jirta

Date:

Barlamaanka Waddanka Masar ayaa Talaadadii shaley meel mariyey go’aanka madaxweyne Cabdifataax Al Sisi uu ku soo rogay xaaladda degdegga ee dalkaas, waxa ay kordhiyeen muddo seddax bilood oo kale oo dheeri ah, sidaas waxaa sheegay afhayeenka baarlamaanka Cali Cabdelaal.

“Go’aanka xaaladda degdegga waa mid sii soconaya sidaas darteed waa in aan kordhinnaa”ayuu u sheegay afhayeenka barlamaanka xildhibaannada shaley joogay fadhigga.

Muddada xaaladda degdegga ee la kordhiyey ayaa socon doona illaa seddax bil oo ku eg bisha April ee sannadkan, waxa ay tallaabada dababa socotaa kaddib markii la qarxiyey labo kaniisad oo ay ku dhinteyn ugu yaraan 45 qof.

Dhinaca kale, seddax boolis ah ayaa dhintay qarax miino oo dhulka la galiyey oo ka dhacay deeganka Siinaay, sidaas waxaa sheegay sarkaal ka tirsan booliska.

Ilo wareedyo xagga caafimaadka iyo ammaanka ayaa laga soo xigtay in 10 kale ay ku dhaawacmeyn qaraxaas.

Qaraxa ayaa ka dhacay deeganka Cariish ee caasimadda waqooyiga gobalka Siinaay.

Qaraxa ayaa lala eegtay kolanyo ay la socdeyn ciidamada, waxaana askarta dhaawacantay la geeyay Isbitaal ay ciidamada leeyihiin oo ku yaalla magaalada Cariish.

Telefishanka qaranka ee Masar ayaa xaqiijiyey askarta ku dhintay weerarka balse ma sheegin xilalka ay hayaan iyo magacyadooda. Sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Masar.

Kooxda ISIS ayaa xoojisay weerarada ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada iyo kaniisadaha Qibdiyiinta dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxaana ay dileyn ku dhawaad 100 ka tirsan dadka qibdiyiinta tan iyo bishii December, Ma jiro illaa hadda koox sheegtay mas’uuliyadda qaraxii shaley.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...