Ra’isulwasaaraha oo ku guuleystay in lagu soo wareejiyo Soomaaliya maxaabiis boqol ka badan oo ku xernaa Ethiopia

Date:

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ku guuleystay in maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa xasabsiyada dalka Ethiopia lagu Soo wareejiyo Dowladda Soomaaliya,isagoo dhinaca kalena kulammo kula qaatay qaar ka mid ah madaxda Africa magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalka Ethiopia.

Ra’isulwasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo safar shaqo ku jooga dalka Ethiopia ayaa ku guuleystay in xabsiyada dalkaasi laga sii daayo maxabiis Soomaaliyeed oo sanado kala duwan ku xirnaa xabsiyada dalka Ethiopia islamarkaana lagu soo wareejiyo Dowladda Soomaaliya,iyadoo dowladda Ethiopia fulinaysay heshiis horay uu Ra’isul wasaaraha Xasan Cali Khayre la galay.

Maxabiistaan o danbiyo kale duwan loo haystay ayaa tiro ahaan garaya 120 Muwaadin waxa ayna bilow wanaagsan u yihiin hirgalinta qorsha Xukuumadda Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku soo dayso Muwaadininta Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Caalamka,

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ethiopia Maxamed Cali Nuur oo la hadlay Warbaahinta qaranka aya sharaxaad ka bixiyey goorta maxabiistan la gaynayo Soomaaliya .

Ra’isulwasaaraha dalka ayaa sidoo kale kulammo kala duwan kula qaatay Addis Ababa Madaxweyne ku xigeenka dalka Masar , Madaxweyne ku xigeenka Botswana waxa ayna dhammaan ugu hambalyeeyeen dowladda Somaaliya horumarka ay samaysay muwadii yarayd ee ay jirtay ayna ka go’antahay in ay xoojiyaan xariirka kala dhexeeya Soomaaliya,

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhaca kale kulan muhiim ah waxa uu kula qaatay Addis Ababa Madaxweynaha bankiga horumarinta Africa waxa uuna kala hadlay in bankiga uu qayb ka qaato horumarka dalka Soomaaliya gaar ahan sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa dhalinyaradda Soomaaliyeed , dhismaha wadooyin iyo Iskuul wax lagu baro ubadka Soomaaliyeed.

Nasra Bashiir Cali Addib Ababa Ethiopia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....