Xildhibaanad Maryan Cabdi Geedi oo la kulantay qaar ka mid ah Haweenka ku nool Maraykanka

Date:

Xildhibaanad Maryan Cabdi Geedi oo ka mid ah xildhibaanada qaranka Soomaaliyeed oo dhawaan soo gaartay magaalada Columbus Ohio ee Dalka Mareykanka ayaa waxa ay kulan xogwaran iyo dhiirogalin isugu jira la qaadatay haweeka Soomaaliyeed ee Columbus.

Haweenkan oo isugu jiray Gancsato, Aqoonyahan, Arday iyo qeybaha bulshada ayaa aad ugu dhursugayay in wax badan ay ka ogaadaan dalkooda oo ay in mudaa ka soo maqanyihiin iyaga oo dhanka kale qaarbadan oo ka mid ah ay ka rajo qabaan in ay dalkii dib ugu laabtaan.
Waxa ay ka warbixisay xaalada dalka, marxaladihii hanaanka dorashada iyo sida xulashadii  baarlamanka loo maareeyay.
Xildhibaanada ayaa si weyn ugu dhiirogalisay Haweenka in ay malgashadaan dalkooda isla markaana ka faaiideystaan waxa alle ku manaystay ee qeyraad ah.
“In aad Soomaaliya Tagto waxay kaa caawinaysaa in ay badasho aragtidaadii ku aadanayd Soomaaliya” ayay tiri Xildhibaan Maryan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa kulnkan ka hadlay Safiirkii ugu horeeyay ee oo gabar ah oo ay soomaaliya dibada u yeelato Fadumo isaaq bixi oo dhankeeda cabirday Ahmiyada haweebku u leeyihiin Dadkooda .
Haweenkii ka hadlay kulankan ayaa aad u soo dhaweyay in Xildhibaanada qaranka ay ku jiraa dhalinyaro Aqoonyahan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...