Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey.

Date:

Muqdisho, 29 June 2017…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Arrimaha Dibedda Norwey Børge Brende iyo wafdi uu horkacayo oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, iyagoo kawada hadlay xiriirka u dhexeeya labada dal iyo taageerada Norway ee dib-u-dhiska Soomaaliya. Waxana kulanka goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay sida ay dawladda Norway xilligan ugu heelan tahay inay gacan ka gaysato dadaallada lagu xasilinayo dalka iyo sidoo kale dhismaha dawladnimada Soomaaliya oo maraya meel aad muhiim u ah. Wuxuna tilmaamay in guullo wax ku ool ah laga gaaray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay arrimaha mudnaanta sare u leh dawladda.

“Booqashada uu noogu yimid Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey, waxay cadeynaysaa horumarka ballaaran ee la sameeyey afartii bilood ee la soo dhaafay oo sii jiitay indhaha caalamka, waxaan isla soo qaadnay arrimo muhiim ah oo wax tar u leh dalkeena, iyaguna waxay qireen in Soomaaliya ay u heelan tahay sidii ay uga faaiideysan lahayd taageerada uu caalamku siiyo”ayuu yiri R.W Khayre.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey Børge Brende ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal. Wuxuna tilmaamay in Soomaaliya ay sameysay horumar baxaad leh 4tii bilood ee la soo dhaafay, isla markaana loo baahan yahay in lasii adkeeyo. Waxana uu intaasi raaciyey in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dawladda.

Dhanka kale. Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey ayaa kulan sharafeed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...