Qaraxyo ay ku dhinteen dad ka badan 50 Qof oo ka dhacay Dalka Pakistan

Date:

Laba Qarax oo khasaare xoogan geystay ayaa ka dhacay laba gobol oo ka tirsan dalka Pakistan, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka dalkaasi.

Qaraxyadan ayaa ka kala dhacay gobol ku yaalla Koonfur Galbeed Pakistan oo lagu magacaabo Quetta, iyo gobolka kale ee Balochistan, waxaana loo adeegsaday Gawaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay.

Inta la ogyahay Qaraxyadan ayaa waxaa ku dhimatay dad ka badan 50 Qof, halka dhaawucuna uu ka badan yahay 100 Qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee tagay goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay goob mashquul badan oo dadka ay ka iibsanayeen waxyaabaha loogu diyaar garoobo Ciida, taasi oo sababtay in dadweynaha ay dhigaan banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan weerarkan.

Dadka ku waxyeeloobay Qaraxydan oo aad u badan ayaa sababtay in Helicopter-o lagu daabulo dadka dhaawacyadooda halista ay yihiin, si loo gaarsiiyo isbitaalada waa weyn.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano lagu raadinayo kooxdii ka dambeysay weerarkan, iyaga oo sidoo kale sheegay in ay ka cabsi qabaan khasaaraha ka dhashay Qaraxyadan in ay sii kordhaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xilalka u kala wareejiyey Wasiirrada Degaanka iyo Qoyska

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Aas Qaran oo maanta loo sameeyay Askartii dhawaan lagu dilay Ceelbaraf 

Waxaa maanta Salaadda Janaasada (AUN) lagu dukaday Askartii ku...

Mareykanka oo 28 Milyan u qorsheeyey wax ka qabashada Arrimaha Bi’niaadinimmo ee Soomaaliya

-Dowladda Mareykanka ayaa sanadkan 28 Milyan u qorshsheysay labo...

Ciidanka Xoogga oo Howlgal qorsheysan ka sameeyay degaanno hoostaga Degmada Xudur

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad...