Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay dalalka martigeliya qaxootiga in ay siiyaan adeegyo lamid ah kuwa ay dadkooda helaan

Date:

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo kamid ah madaxda ka qeybgalaysa Shirka Isgarab-taagga Uganda ee Qaxootiga, ayaa ku baaqay in qaxootiga Soomaaliyeed la siiyo fursado ay uga shaqeysan karaan dalalka ay martida u yihiin si ay noloshooda u hormariyaan.

Madaxweynaha ayaa tusaale usoo qaatay sharciyada horumarsan ee ay dowladda Uganda u dejisay qaxootiga, kaas oo siiyay qaxootiga Soomaaliyeed fursado ay kula falgeli karaan dadka ay martida u yihiin.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay shirka labada malamood ka socda Kampala ayaa yiri “Waxaan maanta la kulmay ganacsato Soomaaliyeed oo deggan magaalada Kampala, kuwaas oo ii sheegay, in ay haystaan xornimo ay ku ganacsadaan, guryo ku iibsadaan, ugana qeyb qaataan horumarka dhaqaale waddankan. Taasi waxay mar kale caddeyn u tahay in Soomaalidu ay yihiin dad leh adkeysi iyo hal abuur ganacsi.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in horumarka ay ku tallaabsadeen ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan ay muujineyso soo dhaweynta iyo martigelinta wanaagsan ee ay kala kulmeen dadka reer Uganda.

“Waxaan ugu baaqayaa dalalka martigeliya qaxootiga in ay siiyaan fursado lamid ah kuwa ay dadkooda siiyaan, ayna u ogolaadaan qaxootiga in ay is hormariyaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Uganda ayaa haatan martigelisa qaxootiga ugu badan qaaradda Afrika oo tiro ahaan ku dhaw hal milyan. Qaxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha dalkan ku jira ayaa iyagana lagu qiyaasaa in ay ku dhawyihiin 50 kun, kuwaas oo intooda badan ku nool xeryo qaxooti oo ku yaalla Galbeedka dalkan.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah xildhibaanno ka tirsan Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka oo shalay booqday xerada qaxootiga ee Nakivale, si ay ugu kuur galaan nolosha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeradaas.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyey qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah,...

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo...