Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Uganda

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka heley dhigiisa Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda oo booqashada ay qaadan doono muddo labo cisho ah ayaa inta uu ku sugan Uganda, waxa uu kulan la qaadan doonaan dhigiisa Dalka Uganda Yoweri Museveni oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa ladagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaaji Farmaajo ayaa socdaalka uu ku tegay dalka Uganda waxa ay qeyb ka tahay dadaallada ay dowladda ku xoojineyso xiriirka saaxiibtinimo ee gobolka iyo sidii hal meel looga soo wada jeesan lahaa argagixisada dhibaatada ku heysa shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...