Dowladda Mareykanka oo Soomaaliya ka caawineysa tababarka ciidanka

Date:

Waraysi uu siiyay Warbaahinta Qaranka Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Stephen M Schwartz ayaa waxa uu kaga hadlay teegeerada dowladiisu ay siiso Soomaliya .

Danjire Stephen ayaa sheegay in Mareykanku uu taageerayo ciidanka xoogga dalka si Soomaaliya looga cirirbtiro maleeshiyada Al-Shabaab.

Safiirka Mareykanka ayaa sidookale waxa uu ka hadlay taageerada dhinaca adeega bulshada ah ee dowladiisu siiso Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay kordhiyeen sanadihii u dambeeyay .

Safiirka ayaa tilmaamay in Mareykanku uu 300 milyan ku bixiyay gurmadka dadka ay abaaruhu ku saameeyeen Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay ayna diyaar u yihiin inay sii kordhiyaan taageerada dhaqaale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...