Maamulka Gobolka Banaadir oo casho sharaf u sameeyey ergooyinkii ka qeyb galayey Shirkii dib u heshiisiinta Qaran.

Date:

Maamulka Gobolka Banaadir   ayaa   Xalay  Waxaa   uu casha Sharaf  Usameeyay  Ergooyinkii  ka Qaybgalay   Shirkii Madasha   Wada  Tashiga Qaran Kaasi oo Mudda Shan Maalin Ka  Socday  Magaalada   Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada  Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Dowlada Soomaliya iyo xildhibaano ka Tirsan Barlamaanka Soomaaliya   ayaa ka qeyb galay kulan saagootin ah oo uu Maamulka Gobolka Banaadir u sameeyay ergadii ka socotay  Maamul Gobaledyada dalka ee ka qeyb galaaya shirweynaha qaran ee dib uheshiisinta umada Soomaliyeed.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Taabid Cabdi Maxamad  ayaa   Sheegay in  Maamulka Gobolka Banaadir uu Go’aansaday inuu Dhirgaliyo Ergooyinka ka Qaybgalay Shirkaasi Maadaama Caasimadda  ay Tahay Hooyada Caasimadaha Dalka isagoo Boogaadiyay Ergooyinka  Doorkooda  Dib uheshisiinta Bulshada.

Wasiirka Wasaaradda  Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid Juxa  ayaa  Uga Mahadceliyay  Maamulka  Gobolka  Kulanka Soo Dhawaynta  ah ee uu u sameeyay   Ergooyinka  waxaana uu Tilmaamay  in Shirkii Soo gabagaboobay uu Bilaw Uyahay Dib u hishiinta   Bulshadda  isagoo  Ku booriyay Dhamaan Ka Qaybagalayaashii Shirkaasi  ee lagu Casuumay Munaasabadda  inay   Sii Xoojin  Dadaalkooda ku Aadan dib Uheshishiisiinta laguna Baahiya Dhamaan Gobolada Dalka .

Madaxweeynaha Soomaaliya  Mudane  Maxamad  Cabdulaahi Farmaajo  ayaa Maalinimada Shalay Soo  Xiray  Shirkii  Dib Uheshiisinta Qaaranka Kaasi oo Mudda Shan Maalin Ah Ka socda Magaalada  Muqdisho

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...