Wasiirka Warfaafinta oo Madrid kula kulmay Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ku sugan magaalada Madrid ee dalka Spain ayaa maanta kulan la qaatay Mr Taleb D. Refai, Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka (World Tourism Organization) oo fadhigoodu yahay Madrid.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu horreyntii warbixin kooban ka siiyey Xoghayaha Guud xaalada dalka iyo horumarka lagu tallaabsaday dhanka amniga, siyaasada iyo qorsheyaasha dowladda ee ku aadan sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa doorashooyin hal cod iyo hal qof ah 4ta sano ee soo socota. Sidoo kale Wasiir Eng. Yarisow ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dib u soo nooleynta dalxiiska oo muhiim u ah Soomaaliya loona baahanyahay in loo sii diyaargaroowo bacdamaa uu dalku horumar dhanwalba ah uu ku tallaabsanayo.

Mr Taleb D. Refai, Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka (WTO) ee Qaramada Midoobey ayaa Wasiir Eng Yarisow uga mahadceliyey booqashadiisa, soona dhoweeyey dadaalka iyo qorshaha dib u soo nooleynta dalxiiska Soomaaliya. Mr Refai ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan goob istraatejiyad ah ku taal oo ku wanaagsan dalxiiska, haddana ay tahay waqtigii Soomaaliya laga saacidi lahaa dib u soo nooleynta dalxiiska. Mr Refai ayaa caddeeyey in Hay’ada Dalxiiska Adduunka ay diyaar u tahay in wax walba ay la qabtaan Soomaaliya, ha noqoto sidii caalamka loogu bandhigi lahaa qorsheyaasha iyo istraatejiyada Soomaaliya iyo sidii shirkadaha caalamiga ah loogu ololeyn lahaa inay Soomaaliya dalxiiskeeda maalgashi ku sameystaan.

La Taliyaha Arrimaha Dalxiiska ee Soomaaliya Yasir Baffo oo la socday Wasiir Eng. Yarisow ayaa Hay’ada Dalxiiska Adduunka (WTO) u bandhigay warbixin maqal iyo muuqaal ah ee dalxiiska, soona bandhigay goobaha dalxiiska ku habboon. WTO ayaa aad uga heshay warbixinta oo ay soo jeeditay, sheegtayna caalamka in loo bandhigo si ay u ogaadaan in Soomaaliya ay tahay meel ku habboon dalxiiska.

Ugu danbeyntii Wasiir Eng. Yarisow ayaa u mahadceliyey Mr Refai iyo Hay’ada WTO sida ay u soo dhoweeyeen iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay Soomaaliya ka saacidaan dib u soo nooleynta dalxiiska. Eng. Yarisow ayaa sheegay in Soomaalida ay yihiin dad ku wanaagsan dhanka safarka iyo dalxiiska oo ay jiraan in ka badan 2 milyan oo Soomaali ah oo caalamka qurbojoog ku ah, isla markaasna ay Soomaaliya leedahay shirkado diyaaradeed, iyo in Turkish Airlines ay maalin walba aado Muqdisho, sidoo kale FlyDubai iyo Ethiopian Airlines ay Hargeisa aadaan. Isla markaasna ay jiraan shirkado diyaaradeed oo caalami ah oo doonaya inay duulimaadyo ka bilaabaan Soomaaliya.

DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...