Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS oo booqday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Puntland

Date:

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalintii sedexaad ku sugan magaalada Garoowe ee caasimadda dawlad goboleedka Puntland ayaa booqday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Puntland, wafdiga uu hoogaminayay Wasiir Xoosh waxaa Wasaaradda Puntland ku soo dhaweeyay Wasiir Mudane Cali Ciise Oog iyo Wasiir Ku-Xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Ismaaciil Filibiin.

Wasiir Cabdiraxman Xoosh ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay booqashadiisa, sidoo kale waxuu sheegay in Puntland looga fadhiyo in kaalin weyn ay ka qaadato Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka.

“Farxad weyn bay ii tahay aniga iyo wafdigeyga inaan imaano Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Puntland kuna argano dhalinyaro firfircoon, Puntland waxa ay door weyn ka qaadatay Geedi-socodkii hore ee Dastuurka ee 2011-2012, sidaa awgeed waxa aan hada ka rajeyneynaa in ay doorkii shalay mid ka fiican ay maanta ka qaataan Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Ugu dambeyn, wafdiga uu hogaaminayo Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa kulamo kale oo muhiim ah la qaadan doona madaxdaugu sareeysa Puntland si loo xoojiyo wadashaqaynta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedka Puntland.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...