Garbahaareey oo u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cillmiyeedka

Date:

Habeenka 19-aad tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ee uu taabagelinayo maamulka gobolka Benaadir, waxaa ku tartamay degmooyinka Wadajir oo ka tirsan gobolka Benaadir iyo Garbahaareey oo ka tirsan gobolka Gedo.

Qeybta hore ee tartanka degma walba waxaa la weydiiyey afar su’aal, sidoo kale waxaa lagu soo gudbiyey isbarasho kooban oo ku aaddan labada degmo.

Natiijada Wadajir

Degmada Wadajir ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen hal su’aal, waxa ay iska qaldeen Lix, wax ka faa’ideysi ahna ma helin, sidaas ayeey ku heleen laba dhibcood (2 dhibcood).

Natiijada Garbahaareey

Degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, waxaa iyaguna la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay ka jawaabbeen afar su’aal, saddex ayeey iska qaldeen, su’aal dheeri ahna waa ay ka faa’ideysteen, waxa ay uruursadeen toban dhoibcood (10 dhibcood), degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, ayaana u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Habeen dambe waxaa tatami doonaa degmooyinka Garoowe oo ka tirsan goholka  Nugaal iyo Shibis oo ka tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...