Garbahaareey oo u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cillmiyeedka

Date:

Habeenka 19-aad tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ee uu taabagelinayo maamulka gobolka Benaadir, waxaa ku tartamay degmooyinka Wadajir oo ka tirsan gobolka Benaadir iyo Garbahaareey oo ka tirsan gobolka Gedo.

Qeybta hore ee tartanka degma walba waxaa la weydiiyey afar su’aal, sidoo kale waxaa lagu soo gudbiyey isbarasho kooban oo ku aaddan labada degmo.

Natiijada Wadajir

Degmada Wadajir ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen hal su’aal, waxa ay iska qaldeen Lix, wax ka faa’ideysi ahna ma helin, sidaas ayeey ku heleen laba dhibcood (2 dhibcood).

Natiijada Garbahaareey

Degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, waxaa iyaguna la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay ka jawaabbeen afar su’aal, saddex ayeey iska qaldeen, su’aal dheeri ahna waa ay ka faa’ideysteen, waxa ay uruursadeen toban dhoibcood (10 dhibcood), degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, ayaana u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Habeen dambe waxaa tatami doonaa degmooyinka Garoowe oo ka tirsan goholka  Nugaal iyo Shibis oo ka tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...