Ra’iisul Wasaare Kheyre “Soomaaliya iyo Suudaan waa laba dal oo walaalo ah oo wax badan ay ka dhexeeyaan“

Date:

Muqdisho, 11 June 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Madaxweynaha Sudan Mudane Cumar Xasan Albashiir, waxana ay ka wada hadleen cilaaqaadka qotada dheer ee ka dhexeeya labada bulsho ee walaalaha ah iyo sidii ay Sudan iyo Soomaaliya u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya muddo dheer oo ay colaad ku jirtay kadib, ay haatan hayso dhabbada dib-u.soo kabashada iyo wax wada qeybsiga dalalka gobolka iyo caalamka intiisa kale. Waxana uu intaasi raaciyey in Sudan ay kamid ahayd dalalkii garab taagnaa mudadaa dheer dalkeena isla markaana ay Soomaaliya diyaar u tahay in iskaashiga labada dal ay xoojinayaan.

“Soomaaliya iyo Sudan waa laba dal oo walaalo ah, wax badana ay ka dhexeeyaan, xiriirkooduna uu yahay mid qotada dheer oo mar walba wanaagsan. Suudaan waxay naga taageertay hadana ay diyaar u tahay, dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha, tababarka ciidammada booliska iyo amniga. Ayuu yiri R.W Xasan Kheyre.

Madaxweynaha Sudan Mudane Cumar Xasan Albashiir ayaa dhankiisa balan qaadey inuu sii xoojin doono cilaaqaadka labada dawladood, isagoo casuumaad u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo si loo sii xoojiyo xiriirka labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...