Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare Kheyre oo u duulay Dalka Itoobiya

Date:

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wafdiga uu horkacayo Ra’iisul wasaaraha ayaa ku sii jeeda Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, Halkaas oo ay kaga qeyb gali doonaan Shir Madaxeedka IGAD oo maanta furmaya.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagayo Addis Ababa ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu ku tago, sidoo kale waa safarkii labaad oo uu dalka dibaddiisa uga ambabaxo.

Shirka IGAD ayaa diirada lagu saarayaa xaalada colaadeed iyo mida bani’aadanimo ee ka jirta Koofurta Sudan.

Xigasho : SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...