Shir looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha oo Muqdisho ka furmey

Date:

Shirkan uu maanta magaalada Muqdisho ka furey wasiirka wasaaradda maaaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa waxaa ka qeygalaya wasiirada maamulada xubnaha ka ah dowldda federaalka Soomaaliya kaas oo looga hadlayo wada shaqeynta iyo iskaashiga dhexmaraya wasaaradaha dowlad goboleedyada iyo tan wasiirka.

Wasiirka Maaliyadda ee dowladda federalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlay furintaanka shirka ayaa sheegay in mudadii xilka wasaaraddu uu hayay ay u suurtagashay in ay ku guuleystaan bixinta kharashaadka dowladda; sida bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda, ciidanka qalabka sida iyo lacagaha lagu wada shaqada xafiisyada hey’adda dowladda.

Wasiirka Beyle, ayaa sidoo kale, xusay in dowladda Soomaaliya ay xooga saartay kordhinta dakhliga soo gala taasina ay wax badan ugu suurtagaleen.

Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, wasiirka maaliyadda dalka ayaa wasiirada iyo xubnihii kale ee shirka ka qeybgalay u sheegay in mas’uuliyad weyn ka saaran tahay sidii loo dalkan isku filaansho dhaqaale u gaari lahaa, waxaana uu tilmaamay in sida dahliga dalka uu maanta yahay aan lagu fiirsan Karin.

Ka qeybgaliyaasha shirka ayuu wasiirka ku adkeeyay in ay ka shaqeeyaan sidii dalkeenu u noqon lahaa amaano leh isla markaana canshuur bixiyeyaasha ay ku kalsoonaan karaan si taa loo helona ay tahay in la sameeyo isla xisaabtan joogto ah.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in loo baahan yahay in muwaafaqo laga gaaro mashaariicda dalka ay ka fulineyaan hey’adaha iyo dalalka kale si ay u noqdaan kuwo ka turjameya baahida dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii wasiirka, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan ay tahay in wada shaqeyn joogto ay dhex marto wasaaraddaha maaliyadda ee dowlad goboleedyada iyo tan dowladda federaalka isla markaana arintaas xooga la saaro.

Shirkan ayaa kamid ah qorshaha dowladda ay ku dooneyso in ay ku mideyso hanaanka canshuuraha dalka guud ahaan, iyadoo gebagebada shirkan maanta gelinka dambe laga soo saari doono war-murtiyeed ku saabsan qodobadii isku afgarteen qeybaha uu shirkan khuseeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...