Madaxweyne Farmaajo “Waan ka daba tageynaa, waana ka guuleysanaynaa argagixisada”

Date:

Muqdisho, 08 June 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay weerarkii bahalnimada ahaa ee ay kooxda argagaixisada ah e Al shabaab ay ku qaadeen xarun ay ciidamada Daraawiishta Puntland ay ku leeyihiin Af-Urur oo ka tirsan Degmada Gal-gala ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha isaga oo tacsi u diraya qoysaskii iyo guud ahaan qaranka ay ka baxeen shacabkii iyo Mujaahidiintii ku geeriyooday weerarkan argagixisada ah ayuu sheegay in ay yihiin shuhado dhiiggooda u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta

“Waxaan aad uga tiraanyeysanahay geerida ku timid shacabkeena iyo ciidanka geesiyaasha ah ee ku baxay weerarkii tuulada Af-urur ee Degmada Gal-gala. Waxay u dagaallameen si geesinimo leh si ay u difaacaan dalkooda iyo dadkooda iyaga oo cibaadeysanaya bisha barakeysan ee Ramadaan.”

“Weerarkan wuxuu caddeyn u yahay khatarta ay leeyihiin kooxaha cadowga ah ee aan la dagaallameyno kuwaas oo doonaya in ay mar walba dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel. Waxaan xoogeenna isugu geyn doonnaa sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha argagixisada ah.”

“Waxaan ballan qaadeynaa in Al Shabaab aan looga hari doonin falkan foosha xun. Waxaa haatan haraadigooda ku daba jira ciidamada Daraawiishta Puntland. Waan ku kalsoonahay in ciidamadeennu ay soo afjari doonaan falalka burcadnimada ah ee ay kooxdan caadeysatay in ay maalin walba ku layso dad Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay taageero dhinac walba ah la garab istaagayso Puntland.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...