Xabsi laga hirgelinayo duleedka koofureed ee magaalada Gaalkacyo kuna fadhiya dhul dhan 500 mitir ayaa waxaa maanta kormeeray madaxweynaah Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf”.
Madaxweynaha Galmudug oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ayaa kormeerkiisa ku tegay dhismaha qabyada ah ee xabiga oo loogu tala galay in lagu xiro dadka galay danbiyada kala duwan.
Xaaf oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisu uu ku dadaali doono dhameystirka dhismaha xabsiga si loo helo meel danbiilayaasha lagu xiro.
Sidoo kale bulshada deegaanka ayuu ugu baaqay inay maamulka la shaqeyaan si loo gaaro horumur iyo nabad gelyo.
Waxaa uu sheegay in la soo wareejin doono maxaabiista ku xiran deegaannad Somaliland iyo Puntland marka la dhameeyo dhismaha xabsigan.