Golaha Wasiirada oo anixiyey miisaaniyadda dowladda ee 2017-ka

Date:

Muqdisho, 8, June, 2017….Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, waxana looga hadlay arrimo kala duwan oo kamd yihiin, ansixinta Miisaaniyadda sanadkan 2017, mowqifka Soomaaliya ee xiisadda diblamaasiyadeed ee gacanka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran dalal dhowr ah.

Ugu horeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka dooday xisaab xirka miinasaaniyaddii hore iyo meel marinta miisaaniyadda 2017, waxana goluhu isku raacay ansixinta miisaaniyadda cusub oo ka kooban $246 Malyuun oo dollar, taasi oo dawladdu ku shaqeyn doonto inta ka dhiman sanadkan.

Golaha Wasiirada Xukuumadda ayaa sidoo kale ka dooday mowqifkii dawladdu ay ka qaadatay khilaafka diblamaasiyadeed ee u dhexeeya Qatar, Sucuudiga iyo dalalka Carbeed ee isbahaysiga la ah, waxana goluhu taageeray goaanka dhex dhexaadnimada ah ee dawladda Soomaaliya ka qaadatay arrinkaas, iyagoo bogaadiyey dadaalada socda ee xalka loogu raadinayo khilaafka labada dhinac.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa walaac ka muujiyey xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee Yaman iyo dhalinyarada ku xirran Liibiya, waxana goluhu sheegay in uu ku dadaali donaan sidii wax loogu qaban lahaaa samatabixinta dadkaas oo dhibaatooyin kala duwan haystaan. Sidoo kale waxaa Golaha Wasiiradu soo dhaweeyeen dhaqan gelinta heshiiskii dawladda Soomaaliya iyo Hindiya ku gaareen in dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaas ku xiran dib loogu soo celiyo dalkoodii hooyo.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay Weerarkii saaka ka dhacay Hotel Agan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay weerarkii...

Baarlamaanka oo ansixiyay Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka

-Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Fatahaada Webiga Shabeelle oo sababay khasaare

Webiga Shabeelle ayaa sameeyey fatahaad deegaano ka tirsan gobolka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb qaatay kulanka tacsida ee loogu duceynayay Marxuum Siilaanyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...