Argagixisada Al-Shabaab oo Dab Qabadsiiyay Tuulada Busleey Daa’uud ee Gobalka Sh/Hoose

Date:

Wararka naga soo gaaraya Tuulada Busleey Daa’uud oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheeaya in Maleeshiyada Aragixisada ah ee Al-Shabaab ay bilaabeen inay Gubaan Guryaha ku yaala Tuuladaasi.

Dad ku sugan Busleey oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa u sheegay in Saaka ay ku waabariisteen iyadoo la gubayo Guryahooda, waxaana loo sheegay inay isaga guuraan dhammaan Tuuladaan.

“Haween Caruur iyo Dad waayeelo ah oo aanan Awood lahayn ayaa Guryahooda ka cararay ka dib markii la Gubay, waxaana haatan ay joogaan Geedo Hoos tooda, kuwo kalana waxay isaga baxeen Tuulada.”waxaa sidaa u sheegay Warbaahinta Qaranka qof ku sugan Busleey.

Argagixisada Al-Shabaab ayaanan wax sabab ah aanan u sheegin dadka degan degmada Janaale, kaliya marka laga reebo inay arkeen ayada oo la Gubayo Guryihii ay daganaayen.

Arxan laawayaasha Al-Shabaab ayaa horay waxay dab u soo qabad siiyeen deegaano badan oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose, iyagoo Afduubtay Dad badan oo shacab ah, waxaana sidoo kale ay xoog dadka kaga qaateen Xoolihii ay dhaqanayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...