Madaxa Arrimaha Ganacsiga Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan ayaa la kulmay Gudoomiyaha rugta Ganacsiga ee Dalka Suudaan.

Date:

Madaxa arrimaha Ganacsiga Safaardda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan Dr : Cabdi Xakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa Gudoomiyaha rugta ganacsiga ee Dalka Suudaan Cali Maxamed Axmed Xasan iyagoo  ka wada hadlay sidii xiriir shaqo oo adag u dhax marilaahaa labada Rug ee Ganacsi Soomaaliya iyo Suudaan loona mataaneen lahaa.

Dr : Cabdi Xakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa sheegay in Rugta Ganacsiga Suudaan Gudoomiyahooda uu Daneenayo Xiriir uu la sameeyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Ganacsatadoodaba isuna dhaafsadaan Howlaha Quseeya Dhanka Ganacsiga Labada Dal.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Dalka Suudaan Cali Maxamed Axmed Xasan oo isna la hadlay Warhaabinta Qaranka ayaa tibaaxay in Suudaan iyo Soomaaaliya Dhanka taariikh ahaan marka laga hadlayo Xiriirkoodu aanan bilaaban mar dhow ayna ku hanweenyihiin ka Rug ahaan wixii Shaqo ah oo quseeya arrimaha Ganacsiga wax badan la qaban doonaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Dhanka kale Madaxa arrimaha Ganacsiga Safaardda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan ayaa sidoo kale booqday Bandhig Warshadeed ay soo Bandhigayeen qaar ka mid ah Warshadaha laga leeyahay Dalka Suudaan iyo Waxyaabaha ay Soo Saaraan isagoo Sheegay in Sudaan ku soo Wajahan yihiin Maalgaliyaal Ajaanib ah ka dib markii laga qaaday Xayiradii Saarneed Dhanka Dhaqaaalaha Wadanka Suudaan.

Kulanka ay wadaqaateen Madaxa arrimaha Ganacsiga Safaardda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan iyo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Dalka Suudaan ayaa ah mid lagu adkeenayo Xiriirka labada Dal gaar ahaan Dhanka Ganacsiga oo u muuqada mid miri dhali doona.

Yuusuf  Maxamed macalin (Yuusuf kashmiir)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr....

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...