Sida looga hadlay weerarkii London Bridge

Date:

Weerarkii ka dhacay bartamaha magaalada London oo ay u dinteen 6, qof ku dhowaad 50 kalena ay ku dhaawacmeen, hoggaamiyeyaasha dunida qaar ayaa siyaabo kala duwan uga hadashay dhacdadaasi..

Wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in Boliiska London ay toogasho ku dileen rag la rumeysan yahay in ay yihiin kuwii geystey weerarkii ka dhacay London Bridge.

Duqa magaalada London, Sadiq Khan, waxa uu ku tilmaamay fal wuxuushnimo ah, isla markaana London aysan u joogsaneyn kuwa caadeystay dhibaateynta dadka masaakiinta ah

Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May, ayaa sheegay in weerarkii London ka dhacay uu ku filan yahay Uk, iyadoo soo qaadatay Kalmadda. ‘Enough Is Enough’.

Sidoo kale waxa ay  si cad u sheegtay in falkaasi argagixiso uusan hakin doonin doorashada guud ee khamiista soo socota ka dhici doonta dalka Britain.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa yiri “US waxa ay sameyn doontaa wax walba oo karaankeeda ku aaddan taageerada UK kaddib weerarkii London Bridge ka dhacay iyo kuwii Manchester”.

Madaxweynaha cusub ee Faransiiska, ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay cambaareyneyso Falkii London ka dhacay.

Laammaha amniga Britain, ayaa ku shirsan London, si loo qaado tallaabooyin adag oo amniga ka xiriira, xili toddobaadka soo socda ay dalkaasi ka dhici doonaan doorashooyin guud.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...