Maamulka Gobolka SH/Hoose oo deeq raashin iyo daawo gaarsiiyay degmada Baraawe

Date:

Munasabada kooban oo lagu qabtay xarunta Isbitaalka magalada Barawe ayaa waxaa deeq daawo ah lagu wareejiyay mamulka Isbitaalka degmada Baraawe si loogu daweeyo bukanada jiifa isbitaalka degmada, waxana munaasabadda goob joog ka ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Koonfurgalbeed ahna Guddomiyah Guddiga abaaraha Koonfurgalbeed, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Guddomiyaha degmada Barawe, waxaana deeqda daawada ah ka timid  Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Baraawe Aadan Cumar ayaa u mahadceliyay  Wasaaradda gar gaarka ee dawadaan soo garsisay, isagoo sheegay in deeqdan ay ku soo aaday xilli baahi weyn loo qabay.

Agaasimaha  isbitalka  Degmada Barawe Cabdalla Cabdiraxmaan Nuurani  ayaa ka guddomiyay mas’uuliyin deeqda daawada ah, waxaana uu carabka ku adkeeyay in daawada loogu adeegi doono si siman bukaanada isbitaalka ku jirta.

Dhanka Kale  Deeeq raashin ah oo ka timid Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya  ayaa maanta loo qeybiyaay qoysas danyar ah oo gaaraya  750 qoys  kuna sugan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose

Goobta lagu qeybinayay rashinka ayaa waxaa ku sugnaaa Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Wasiirka Xanaaanada Xoolaha Koonfurgalbeed ahna Guddoomiyha Guddiga Abaraha Koonfurgalbeed iyo maamulka degmada Baraawe

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ibraaahim Aadan Cali Najax ayaa u mahadceliyay Wasaradda Gargaarka iyo Maareynta musiiboyinka ee deeqdan soo garsiyay dadka ay abaartu saameysay, isagoo u mahadceliyay hey’adaha ammaanka ee ka qeybqaatay gaarsiinta raashinka dadka ay abaartu samesay

Wasiirka Wasaaradda Xanaanda Xoolaha Koonfurgalbeed Madoobe Nuunow Maxamed ayaa shegay in raashinka la gaarsiyay dadkii loogu talagalay.

 

W/D. Maxamed Cali Cumar Jubba

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...