Dharkeynleey oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka

Date:

 

Habeenkii Toddobaad ee tartan ciliyeedka warbaahinta Qaranka ee uu taabagelinayo maamulka Benaadir, waxaa ku tartamay degmooyinka Kismaayo oo ka tirsan Jubbada Hoose iyo Dharkeynleey oo ka tirsan gobolka Benaadir.

Labada degmo, waxaa loo gudbiyey toddobada su’aal ee tartanka, qeybta hore waxaa  lagu hakiyey min afar su’aal kaddib waxaa lagu soo bandhigay qeybta nasashada warbixinnadii ka hadlayey taariikhda labada degmo ee Kismaayo iyo Dharkeynleey.

Natiijada Guddiga.

Kismaayo waxaa la weydiiyey toddobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen hal su’aal Lix waa ay iska qaldeen,  wax ka faa’ideysi ahna ma helin, sidaas ayeey laba dhibcood ku heleen.

Natiijada Dharkeynleey.

Tartamayaasha Dharkeynleey, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal toddobada su’aal midna kama jawaabin, si ka faa’ideysi ah ayeey saddex su’aal u heleen, sidaas ayeey ku uruursadeen Lix Dhibcood, sida guddiga shaaciyeyna Dharkeynleey ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka habeenkii toddobaad.

Habeen dambe sida guddiga sheegay waxaa tartami doona degmooyinka Xamar Jajab iyo Wadajir oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...