Keating oo soo dhoweeyay heshiiskii ay saxiixdeen Gaas iyo Xaaf

Date:

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u jooga Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhoweeyay Heshiiskii Magaalada Cadaado ay dhawaan kula saxiixdeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa labada madaxweyne maamul goboleed loogu amaanay heshiiska ay kala sexiixdeen ,waxaana looga codsaday ย labada dhinacย in ay ka shaqeeyaan in ay ka mira dhaliyaan hishiiskaas.

โ€œBeesha Caalamka waxay soo dhoweyneysaa Heshiiska Nabadeed ay gaareen labada Madaxweyne waxaana loo baahanyahay labada dhinac in ay meel mariyaan heshiiskaas, anagana waxaan ka shaqeyneynaa in aan qeybteena ka qaadano heshiiskaas islamarkaan dhiira galinoโ€ โ€ ayuu yiri Keating

Madaxweynaha Puntland, Abdiweli Moxamed cali โ€œGaasโ€ iyo madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf ayaa ku heshiiyay in xal kama dambeys ah laga gaaro dhibaatada Gaalkacyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...