Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo la kulmay Guddiga Arrimaha Badda.

Date:

Muqdisho, 2017-05-31…..Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalkaah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa la kulmay Guddiga Arrimaha Badaha, waxana warbixino ku saabsan xaaladda aminiga, kheyraadka iyo maamulka Badda laga dhageystay Wasaaradaha Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda iyo Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda.

Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa ugu horeyn ka hadlay fulinta go’aamadii ka soo baxay shirkii London ee la xiriiray arrimaha badaha, gaar ahaa kuwa mudnaanta u leh dawladda Soomaaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in laga faa’iideysto Kheyraadka ku jira, sidoo kalena loo dadajin lahaa dhismaha ciidanka Ilaalinta Xeebaha (Coast Guard).

Wasiirka Kalluumeysiga Mudane C/raxmaan Cabdi Xaashi ayaa ka hadlay arrimaha kaluumeysiga sharci darrada ah, waxana uu soo hadal qaaday shir looga hadlayay arrimahaas oo ka dhici lahaa Jaziirada Seychelles oo baaqday, isagoo tilmaamay in arrimihii uu shirkaas u baaqday ay kala xaajoonayaan cida ay quseyso isla markaana uu dhawaan qabsoomi doono shirku.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Marwo Maryan Aweys ayaa soo bandhigtay sidii loo dhameystiri lahaa turjumidda iyo meel marinta sharciga Badda oo muhiimad weyn u leh dhaqan galkiisa dalkeena, waxana ay Wasiirku codsatay in la dadajiyo loona fududeeyo Wasaaradda wax walba oo gacan ku siin kara sidii uu sharcigani u noqon lahaa mid dhameystiran.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay, Wasiirada, Maaliyadda, Difaaca, Arrimaha Dibedda iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo dhamaantood ka tirsan Guddiga Arrimaha Badda

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...