Degmada Dhahar oo wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka u gudbtay caawa

Date:

Habeenkii shannaad tartan Cilmiyeedka degmooyinka gobollada ee Warbaahinta Qaranka, isla markaana u taabagelinayo maamulka gobolka Banaadir, waxaa ku tartamay caawa degmooyinka Dhahar oo ka tirsan gobolka Sanaag iyo degmada Dhuusamareeb oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Sida caadada aheyn degmooyinka ayaa la weydiiyey  min toddobo su’aal, taas oo wadarta guud ka dhigeysa 14 su’aal, qeybta hore waxa lagu kala nastay min afar su’aallood, kaddib ayaana la soo bandhigay warbixinnadii Taariikhda  labada degmo ka hadlayey, si xiriirkooda iyo isdhaxgalkoodu uu u sii xoogeysto.

 Degmada Dhahar Natiijo

Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag tartamayaashii ka socdey, waxaa la weydiiyey toddobo su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabeen afar ka mid ah su’aalahaasi, saddex  waa ay iska qaldeen, waxa ay ka faa’ideysteen laba su’aal oo soo hareermartay degmada Dhuusamareeb.

Degmada Dhuusamareeb Natiijo

Degmada Dhuusamareeb, waxaa la weydiiyey toddobo su’aal waxa ay ka jawaabeen afar su’aal, saddex ayeey iska qaldeen,  hal su’aalna si ka faa’ideysi ah ayeey uga jawaabeen.

Natiijada Guddiga

Axmed Cali Kaahiye oo guddiga tartanka ka tirsan, ayaa sidaan u shaaciyey natiijada tartankii  “Dhuusamareeb, waxa ay ka jawaabeen afar su’aal saddex ayeey qaldeen hal su’aal ayeey si ka faa’ideysi ah uga jawaabeen, sidaas waxa ay uruursadeen 10 dhibcood”.

Sidoo kale degmada Dhahar waxa ay si sax ah uga jawaabeen afar ka mid ah su’aalahaasi, saddex  waa ay iska qaldeen, waxa ay ka faa’ideysteen laba su’aal oo soo hareermartay degmada Dhuusamareeb, Dhahar waxa ay uruursadeen iyaguna  12 dhibcood oo waxa ay u gudbeen wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Guddiga ayaa ku dhawaaqay in habeen dambe ay tartanka ku ballansan yihiin degmooyin Kaxda iyo X/weyne oo ka wada  tirsan gobolka Benaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu

1- President Hassan Sheikh Mohamud has hailed the historic...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay kuna...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo guddoomiyay shirka 6aad ee wasiirrada A3 ah

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO ADDIS-ABABA KAGA QEYB-GALAYA SHIRKA MADAXDA AFRIKA

Addis ababa, Febaraayo,13, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...